Markii ugu horaysay Taariikhda Ra’iisul wasaare Hindi ah oo booqday Daanta Galbeed

803

Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya Narendara Modi, ayaa booqasho rasmi ah waxaa uu Ku marayaa dalalka Bariga Dhexe.

Modi, ayaa  safarkiisa ka bilaabay dalka Urdon/ Jordan, isagoo magaalada Caasimadda ah ee Aman kula kulmay boqorka dalkaasi Cabdalla Bin Xuseen.

Ra’iisul wasaaraha dalka Hindiya ayaa booqday dhulka reer Falastiin, isagoo magaalada Ramallah kula kulmay madaxwynaha maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Waxaa Modi uu sheegay in Hindiya ay ka shaqayn doonto dhinacyada Hormarin dhulka Falastiiniinta.

Mas’uuliyiinta maamulka Falastiinta ayaa booqashada Ra’iisul wasaaraha Hindiya Ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Booqashada Modi ee dhulka Falastiin, ayaa waxaa ay noqonaysaa tii ugu horaysay abad ra’iisul wasaare Hindi ah uu Ku tago dhulka la haysto ee Falastiin ama Daanta Galbeed.