Marin xuduudeedka u dhaxeeya Eriteriya iyo Itoobiya oo dib loo furay 20 sanno kaddib

823
Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa si rasmi u furay marin xuduudeedkaan oo u xirnaa muddo 20 sanno ah dagaal qaraar oo dhexmaray labada dal. Sawirka: Google

  Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa si rasmi u furay maanta marin xuduudeedka labada dal oo u xirnaa muddo 20 sanno ah dagaal iyo colaad dhiig badan ku daatay oo dhexmaray.

Sidaa uu bartiisa Twitter-ka ku xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Eriteriya.

Hoggaamiyaasha labada dal ayaa si rasmi ah dib ugu furay marin xudeedka Debay Sima- Burre,taasi oo qeyb ka ah isu soo dhawaanshahooda.  Sidoo kale labada Hoggaamiye waxa ay tagi doonaan maanta magaalada Asmara oo ay iyana ay dib u furaya waddada wayn ee Serha-Zalambesa ee isku xirta labada dal.

Tani waxay siin doontaa fursad ay marin u hesho Itoobiya in ay isticmaasho dekedda Assab ee Eritrea.

Tani waxay daba socotaa heshiis nabadeed oo ay saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki bishii July kaasi ku saabsanaa oo dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed iyo ganacsiga ee u dhaxeeyay labada dal.

Talaabadaan labada hoggaamiye maanta dib ugu fureen marin xuduudeedka Eritereeya iyo Itoobiya ayaa waxaa aad looga soo dhaweeyay labada dal iyo Gobolka Geeska Afrika sidoo kale.