Mareykanka: Tirada dhimashada ee cudurka Corona Fayras oo dhaaftay 50,000

108
Mareykanka: Tirada dhimashada ee cudurka Corona Fayras oo dhaaftay 50,000. Sawirka: BBC News

Tirada dhimashada cudurks Corona Fayras ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 50,000, sida laga soo xigtay xog uruurinta Jaamacadda Johns Hopkins, taasi oo noqonaysa dhimashadii ugu badanayd ee adduunka ee faafitaanka Covid-19.

In ka badan 3,000 oo dhimasho ah ayaa timid 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaana hadda jira in ka badan 870,000 kiis oo la xaqiijiyey guud ahaan gudaha dalka Mareykanka.

Laakiin Mareykanku wali wuxuu leeyahay heerka dhimashada oo ka hooseysa inta badan wadamada Yurub oo kusalaysan tirinta kiisaska hada jira, sida howl wadeenada Aqalka Cad ay carrabka ku adkeeyeen.

Warka murugada leh ayaa imanaya iyado oo qaybo ka mid ah Mareykanka ay dib u fureen kadib toddobaadyo xannibaado ah.

Goobaha lagu qurxiyo timaha qaarkood, meelaha carruurta lagu ciyaariyo iyo meherado kale ayaa jimcihii dib loo furmau qaarka ka mid ah Gobolada Georgia, Alaska iyo Oklahoma.

Mareykanka ayaa ilaa iyo hadda hoggaaminaya tirada ugu badan ee dhimashada iyo kiisaska adduunka. Si kastaba ha noqotee, waa dal tirada dadkiisa ay dhan tahay 330 milyan, oo aad uga badan dalalka kale ee ay sida ugu xun u saameeyay cudurka Corona sida Spain iyo Talyaaniga.

SHARE