
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay xirayso xaafiiska safaarada Falastiiniyiinta ee magaalada Washington, DC, taasi oo daba socota diidmada dowladda Falastiin ee ah in ay si toos ah uga qeybgasho wadahadalada nabadda Falastiin iyo Israa’iil ee uu Mareykanku hoggaaminayo.
Xoghayaha Guud ee Ururuka Xoreynta Falastiniyiinta Saed Erekat ayaa sheegay in sarkaal Mareykanka ah ku wargeliyay go’aanka Mareykanka ku xirayo Safaarada Falastiniyiinta ku leedahay Washington.
” Tani waa mid kale oo xaqiijinaysa siyaasada maamulka Madaxweyne Trump oo si wadda jira loogu ciqaabayo dadka Falastiniyiinta, taasi oo ay ku jirto taageeradii dhaqaale ee arrimaha gargaarka ee la jaray ee waxbarashada iyo caafimaadka”. Ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Saed Erekat.
La taliayaha dhanka amniga Madaxweyne Trump, John Bolton, ayaa ku goodiyay in maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada in cunaqabantay lagu soo rogi doono haddii ay baaritaanka ku samayso Mareykanka iyo Israel.
Mareykanka oo xullafo dhaw la ah Israa’iil ayaa dhawaan jaray dhaqaalihii arrimaha gargaarka Falastiniyiinta loo marsiin jiray Hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiin ee arrimaha gargaarka ee UNWRA.