Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay xirayso qunsuliyadeeda ku taalla magaalada Basra ee dalka Ciraaq iyadoo sidoo kale baxaysa shaqaalaha iyo diblomaasiyiinteeda kaddib hanbaad iyo cabsi uga timid dagaalyahano Iran taageerto.
Go’aankan ayaa u muuqda mid ka dhashay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Iran iyo Mareykanka, taaasi oo daba socota cunaqabataynta dhaqaale ee Mareykanku ku soo rogay Iran.
Xoghayaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, oo sharaxaya tallaabada Mareykanka ku xirayo qunsuliyadiisa, ayaa ku celiyay digniinta ah dalkiisa uu kula xisaabtimi doono Iran haddii wax weerar ama dhib ah loo geysto hawlgalada Mareykanka iyo muwaadiniintiisa.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa hadal ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka Mareykanka uu shaqaalihiisa ugala baxayo Basra.
Go’aank Mareykanka ku xirayo qunsuliyadiisa magaalad Basra ayaa yimid maalmo kaddib markii madaxweynaha Donald Trump iyo madaxwaynaha Iran Hassan Rouhani isku dhaafsadeen kalfadhiga Guudd ee Qaramada Midoobay hadallo kulkulul, iyadoo Madaxweyne Trump uu ku goodiyay in cunaqabataynta badan ku soo rogi doono Iran isagoo ku eedeeyay hoggaamiyaasha Iran in ay ka abuurayaan Barriga Dhexe “Fowdo, Dhimasho iyo burbur”.