Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u aqoonsanaya magaalada Qudus Caasimadda Israa’iil, sidda ay sheegeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka.
Trump ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo go’aankan muranka badan dhaliyay maanta oo Arbaca ah.
Sidoo kale Mr. Trump ayaa la filayaa inuu saxiixo in Safaarada Mareykanka ee Tel Aviv loo soo raro Qudus, taasi oo aan dhicin sanno badan.
Israa’iil ayaa soo dhawaysay tallaabada Mareykanka balse Falastiiniyiinta iyo hogaamiyaasha Carabta ayaa uga digay Mareykanka in arrintani ay cuuryaaman doonto geedi socodka waddahadlada nabada ee barriga dhexe.
Sacuudiga oo xulafo dhaw la ah Mareykanka ayaa ku tilmaamtay go’aanka madaxweyne Trump uu Qudus ugu aqoonsanayo Caasimadda Israa’iil mid ah gardaro cad oo ka dhan ah Muslimiinta.
Lama oga in Madaxweyne Trump uu maanta go’aankiisa ku aadan Qudus uu dib u dhigi doono iyo in kale.
Ummadda Media