Dadkii ugu horreeyay ayaa lagu tijaabin doonaa tallaal cudurka Korona Fayras. Koox gaareysa 45 oo ah mutadawiciin caafimaad ayaa lagu duri doonaan dhibcihii ugu horreeyay ee tallaalka tijaabada lagu wado ee lagu sameeyay xarunta cilmi baarista magaalada Seatle ee kaisar permenante.
Tallaalka ayaan sababin cudurka Covid 19, hase ahaate waxa uu ka koobanyahay hidde side aan wax dhibeen oo laga soo minguuriyay feeraska sababa Carona .
Khubarada ayaa sheegay in ay qaadan doonto dhawr bilood si tallaalkaan iyo kuwa kale loo ogaado in ay shaqeynayaan.
Saynisyahanno ku kala nool dunida ayaa dadaal ugu jira si ay usoo saaraan tallaalka cudurkaan dilaaga ah.
Dhawaan wargeys ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray in dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ay ku loolamayaan shirkad gaar loo leeyahay oo dalka Jarmalka ku taal taas oo soo saarta daawooyinka. Shirkadadaas ayaa la sheegay in Mareykanku u sameeyay ballanqaad lacageed haddii ay dalkeeda u soo wareegaan, halka Jarmalkana ay falisaad ku sameeyeen ballanqaadka dhaqaale ee Mareykanka oo mid badan ay u ballanqaadeen.