Mareykanka oo taageeray Go’aanka UK ay ku erisay 23 diblomaasiyiin Ruush ah

825
Sawirka: Google

Dowladda Mareykanka ayaa is garab taagtay dowladda Britain, waxa ayna ku taageertay go’aanka ay ku erisay 23- diblomaasi oo Raashiyaan ah.

Afhayeen u hadashay madaxweyne Trump ayaa ku eedeysay Ruushka inuu hagardaaminayo amniga dalalka aduunka.

Ra’iisal Wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in 23-diblomaasiyiin  Ruush ah ay Britain dalkeeda ka eryayso kadddib markii Ruushku diiday inuu sharaxaad ka bixiyo sida ay ku timid sunta kiimikada ah ee loo yaqaano nerve agent ee lagu sameeyay Ruushka loo adeegsaday in lagu dilo basaas hore oo Ruushka u dhashay gudaha dalka UK.

Ruushka ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku yeelahay weerarka sunta loo adeegsaday ee UK ka dhacay, waxa ayna UK ka dalbatay in ay cadeyn u keento eedeymaheeda.

Mareykanka ayaan looga baran qaabka uu taageerada ugu muujiyay Britain, iyada sida ugu jawaabay weerarka lagu eedeyay Ruushka ee UK ka dhacay.

Basaas hore Sergei Skripal oo Ruushka u dhashay, oo 66 jir ah, iyo gabdhiisa, Yulia Skripal, 33 jir ah,  kaddib markii la ogaaday in lagu sumeeyay magaalada Salisbury, 4-tii bishaan Maarso.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in ay jawaab cawaaqibkeeda leh ay ka bixin doonto go’aanka Britain ay ku eriday 23- diblomaasiyiin Raashiyaan ah.

Xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhaxdhalatay labada dal ayaa gaartay meel xasaasiya iyadoo Britain ay sheegtay in joojinayso xiriirada muhiimka ah ee ay leedahay Ruushhka. Xiisada diblomaasiyadeed waxa ay ka dambasay kaddib markii 4-tii bishaan Maarso lagu sumeeyay sarkaal basaas hore ahaan jiray iyo gabdhiisa magaalada Salisbury ee dalka UK.