La taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha dalka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee Suuriya ay ku xiranyihiin shuruudo ay tahay in laga soo baxo inta uusan Mareykanku ka bixin dalka Suuriya.
John Bolton ayaa labo shardi oo ku aaddan ka bixitaanka soo gudbiyay isaga oo si weyn u buriyay hadal uu horay bartamihii bisha December u sheegay maadxweyne Trump oo tilmaamayay in ciidanka Mareykanka ay ka baxaayan Suuriya.
Shuruudaha Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah in gabi ahaanba laga adkaado kooxda Daacish iyo in Turkigu ballanqaado in uusan beegsan doonin jabhadda Kurdishka oo ka barbar dagaalameysay ciidanka Mareykanka.
Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Turkiga oo horay u sheegay in ay hawlgal ka fulinayaan deegaanada ay hesytaan kooxda YPG aysan wax weerar ah ka geysan oo taas badalkeeda ay hakiyaan wax kasta oo lidi ku ah kooxda kurdishka.
Turkiga ayaa cabsi weyn ka qaba kooxda YPG waxaana ay marar badan sheegeen in ay bilaabayaan hawlgal xuduudda looga sifeynayo kooxdaas.
Mareykanka ayaan dalka Suuriya ka bixi doono sidii horay loo shaaciyay waxaana askarta Maraykanka ay sii joogi doonaan goobaha qaar si ay uga hortagaan Daacish oo soo laabata iyo saameynta ay Iiraan ku yeelan karta deegaanada qaar haddii Mareykanku iskaga baxo.