Mareykanka oo shirkad Soomaali ah ka saaray liiska cunaqabateynta

616

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa liiska cunoqabateynta ka saartay shirkad dhanka xawaaladda ah oo ay Soomaali leedahay taas oo liiska lagu diray bilowgii dagaalka loogu yeero argagixisada .

Shirkaddii Barakaat ayaa lagu daray liiska shirkadaha la cunoqabateeyay bishii November ee sannadkii 2001 wax yar kaddin markii uu dhacay weerarkii Mareykanka lagu qaaday ee 11kii September.

Shirkadda ayaa laga soo rogay xayiraad dhanka maaliyadda ah iyada oo xisaabaadkeedii dunida la xanibay. Xogyihii maaliyadda maamulkii Madaxweyne Bush ayaa shirkadda Albarakaat ku eedeeyay in lacago ay u gudbisay ururka Alqaacidda.

Xayiraaddii Mareykanku ku soo rogay shirkadda Albarakaat ayaa saameyn dhaqaale oo weyn ku yeeshay shirkadda .

Guddiga loo xilsaaray baaritaankii weerarkii bishii September ee sannadkii 2001 ka dhacay Mareykanka ayaan helin wax caddeyn ah oo shirkadda la xiriirin kara in ay taageertay argagixisio.

Aasaasaha shirkadda ayaa baaritaan lagu waday tan iyo sanadihii 90aadkii waxaana lagu helin wax caddeyn ah oo muujinaya in uu taageeray argagixso

Waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in shirkadaha iyo shakhsiyaadka laga saaray liiska cunoqabateynta aysan wali taageerin ururo argagixiso.