Mareykanka oo sheegay in Amiirka Sacuudiga uu ansixiyay dilkii Wariye Khashoggi

490
Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan oo lagu eedeeyay inuu ansixiyay dilkii wariyihii Sacuudiga Khashoggi. ( Reuters)

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman ayaa lagu eedeeyay inuu ansixiyay dilkii wariyihii Wargeyska Washington Post Jamal Khashoggi ee 2018, sida lagu sheegay warbixin sirdoon oo maamulka Madaxweyne Biden uu sii daayay jimcihii kaasoo adduunka u soo bandhigay xusuusin dilkii foosha xumaa.

Warbixinta ay soo saartay maamulka Biden ayaa lagu sheegay in amiirka uu ogolaaday qorshe ama “lagu soo qabto ama lagu dilo” Khashoggi.

Koox caan ah oo howl-wadeenno ah ayaa gacan ka geystey dilka, warbixinta ayaa lagu yiri. Kooxda ayaa si toos ah ugu wargalisay Amiir Maxamed, oo isagu abuuray jawi cabsi ah oo aan u badneyn in kaaliyeyaashu ay ku dhaqmi karaan ogolaansho la’aan isaga, sida lagu sheegay warbixinta.

Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay cunaqabateyn daraasiin Sacuudiyaan ah laakiin kuma uusan dhawaaqin amiirka laftiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa diiday warbixinta, waxayna ku tilmaamtay “mid taban, been abuur ah oo aan la aqbali karin”.

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed, oo si hufan u xukuma boqortooyada, ayaa beeniyay inuu wax door ah ku lahaa dilka.

Khashoggi waxaa la dilay xili uu booqanayay qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, jirkiisana waa la jarjaray.

Suxufiga 59 jirka ah wuxuu mar la taliye u ahaa dowladda Sucuudiga oo uu aad ugu dhowaa qoyska boqortooyada laakiin waa ay isku dhaceen oo wuxuu aaday masaafurin iskiis ah oo uu Mareykanka ku galay 2017.

Waxaa uu ka tirsan oo maqaal bille ah uu ku qori jiray Wargeyska Washington Post oo uu ku dhaleeceeyay siyaasadaha Amiir Maxamed bin Salmaan.