Mareykanka oo Sharuud ku xiray Wadahadalka Kuuriyada Waqooyi

824
Photo: AFP

Dowladda Mareykanka ayaa sharuud ku xirtay wahadallo ay la gasho Kuuriyadda Waqooyi.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay wadahadal uu la galo kuuriyada Waqooyi ay ka horresyso in ay joojiso barnaamijkeeda Nuyukleerka kaddib markii mas’uul sarre oo ka tirsan Xukuumadda Pyongyang oo ku sugan dalka ay dariska yihiin ee Kuuriyada Koonfureed uu sheegay Axaddii Kuuriyada Waqooyi ay diyaar u tahay in ay wadahadal lagasho Mareykanka.

Wafdiga ka socda Kuuriyada Waqooyi, oo ku sugan magaalada Pyeongchang ee ka qayb galaya munaasabadda xiritaanka ciyaaraha Olombikada ee qaboobaha ayaa koob aan la shaacin kula kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in, si ugu muujiyaan ama ula wadaagan sida ay diyaar ugu yihiin in ay wadahadal laga lagaan Mareykanka, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyanaha Kuuriyadda Koonfureed.

Wafdiga Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in horumarinta xiriirka u dhaxeeya labada Kuuriya iyo Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi gacanta lagu hayo.

Ciyaaraha Olombikada ayaa loo arkay in ay doorka qaateen xiriirka soo wanaagsanaya ee ka dhaxeeya labada Kuuriya kaddib wax ka badan sanad oo ay xasaradi ka dhex alloosnayd taasi oo ka dhalatay tijaabinta gantaalaha Nuyukleerka qaada ee Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa Jimcihii ku soo rogay cunaqabateyntii ugu xoogganayd Kuuriyada Waqooyi taasi oo looga danleeyahay in ay ka joojiso horumarinta barnaamijkeeda Nukyukleerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Mareykanka ku eedeysay inuu daandaansi ula dan leeyahay cunaqabateynta cusub si isku dhac uga dhaco gacanka Kuuriyada.

SHARE