Mareykanka oo Pakistan ka jaraya kaalmadii dhanka ammaanka ee uu siin jiray

810

Mareykanka ayaa dalka Pakistaan ka jaraya ku dhawaad dhammaan kaalmada dhanka ammaanka ee uu dalkaasi siiyo, waxaa uuna Pakistan ku eedeeyay in ay ku guul dareysatay in ay wax ka qabato kooxaha argagixisada ee ka hawlgala dalkeeda.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay xayiraaddaasi sii jiri doonto ilaa iyo inta xukuumadda Islamabad ay tallaabo ka qaadeyso kooxaha Haqqani iyo Taalibaanka Afqaanistaan.

Kal hore usbuucan ayaa madaxweyne Trump waxa uu Pakisttan ku eedeeyay in ay khiyaaneyso dalkiisa ilsa markaana ay ka qaadaneyso balaayiin doolar oo kaalma ah.

Muranka u dhaxeeya Mareykanka iyo Pakistan oo muddo dheer xulufo ahaa ayaa hadda gaaray meel xasaasi ah waxaana hadda ay u muuqdaan kuwo dhabarka isu jeedinaya.

Xukuumadda Islamabad ayaa eedeynta madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aan la qaadan karin isla markaana la isaga indha tirayo tobaneeyadii sano ee Pakistan ay nafteeda u hurtay Mareykanka.

Mowqifka Mareykanka uu ka qaatay Pakistan ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay waddamada India iyo Afqaanistaan, balse Shiinaha oo tobanaan bilyan oo doolar ku maalgashanaya dalkaasi Pakistan ayaa ku gacan seyray.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa durbaba hakiyay kaalmo milatari oo uu Pakistan siin lahaa oo ka badan 255 milyan oo doolar.

Haweeney Afhayeen u ah waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo go’aankaasi shaacisay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay tixgelisay dhibaatada ay geysanayaan kooxda Taalibaanka Afqaanistaan iyo shabakadda Haqqaani, kuwaasi oo ay sheegtay in ay xasillooni darro ka abuurayaan gobolka isla markaana ay bartilmaameedsanayaan ciidamada Mareykanka.

Kooxda Haqqaani ayaa ah koox mintid ah oo ka hawlgasha dalka Afqaanistaan, waxaana dowlada dalkaasi ay muddo sanado ah ka cabaneysay Pakistan oo ay ku eedeysay in ay kooxdaasi u ogolaatay in ay dalkeeda weerar ka soo qaado.

Kooxdan ayaa xiriir la leh kooxda Taalibaan oo halis weyn ku ah dowladda Afqaanistaan isla markaana dhowr jeer ku hanjabtay in ay xasillooni darro ka abuuri doonto Pakistan.

Labadani kooxood auaa weerarro ay Afqaanistaan ka fuliyeen waxaa ku dhintay ciidamo Mareykan ah, waxaana saraakiisha Mareykanka ay in muddo ah ku doodayeen in dowladda Pakistaan ay gabbaad siiso kooxahani.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay dalka Pakistan ku dartay liis waddamo khaas ah oo ay eegeyso, kuwaasi oo ay ku eedeysay in ay si xun ugu xad-gudbayaan xorriyadda diimaha ee dadka.

Pakistan ayaa ciidamada caalamiga ah u ogolaatay in ay sahayda u soo marto dhulkeeda xilligii dagaalkii Afqaanistaan waxaana reer galbeedka ay ka caawisay la dagaalanka kooxaha sida Al-Qaacidda balse hadda waxaa lagu eedeeyaa in kooxahaasi gabbaad siineyso.

BBC Somali