Mareykanka oo ku booriyay Baarlamaanka iyo Madaxweyne Farmaajo in ay laalaan go’ aankii muddo kordhinta

528
Antony Blinken Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka: AFP

Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay si dhow u la socoto go’aanka soo baxay 28 Apriil , 2021, ee Madaxweyne Farmaajo uu uga noqonayo muddo kordhintii 12 April, 2021 uu sameeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka iyo Madaxeyne Farmaajo ayaa lagu booriyay inay si dhaqso ah u laalaan go’ aankii muddo kordhinta labada sano ahaa oo ay dib u la bilaabaan wadahadaladii doorashada si ku saleysan heshiiskii 17 September 2020.

Madaxda maamul Goboleedyada ayaa lagu ammaanay go’ aankii ay ku diideen muddo kordhinta iyada oo hoggaanka heer qaran iyo mid Goboleedba loogu baaqay inay dhinac iska dhigaan khilaafyada dhexdooda wadajirna ay u gaaraan heshiis iyaga oo muujinaya tanaasul.

Qoraalka ayaa sidoo kale loogu yeeray ciidamada dowladda iyo kooxaha kale ee hubeysan inay hakiyaan falalka xiisadda abuuri kara ayna abuuraan jawi nabadeed oo ka maran rabshado iyo cabsi galib kaas oo wadahadalku dib ugu bilaaban karo.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta sabtida ah kulan gaar ah yeelanaya taasi oo uu hadal ugu jeedinayo Madaxeyne Farmaajo si looga laabto go’aankii muddo kordhinta ee 2 sanno.