Mareykanka oo ka noqday cunaqabateyn horey loogu soo rogay K/ Waqooyi

655

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in laga baxo cunaqabateyn dhawaan lagu soo rogay Kuuriyadda Waqooyi.

Madaxweyne Trump ayaa sabab jahwareer jimcihii kaddib markii uu bartiisa Twitter-uu soo dhigay” in cunaqabateyn dheeraad ah oo horey loogu soo rogay Kuuriyadda Waqooyi laga noqon doono.

Waxaa la maleynayay inuu ka hadlayay talaabo Waaxda Maaliyadda ku soo rogtay labo shirkadood oo dalka shiinaha ah oo lagu tuhunsanaa in ay si sharci daro ah xiriir ganacsi u lahayeen Kuuriyada Waqooyi.

Balse mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa goor dambe sheegay inuu ka hadlayay cunaqabateyn mustaqbalka ah.

Mas’uuliyiin magacooda aan la soo xigan oo tirsan maamulka madaxweyne Trump, ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka in Mr Trump uu ka noqday talaabooyin cunaqabateyn oo loo qorsheeyay inuu ku dhawaaqo maalmaha soo socda.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa horey cunaqabateyn dhawr ah ugu soo rogay Kuuriyadda Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaaa dhawaan sheegtay in ay ka bixi doonto Wadahadallada Nukliyeerka kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday kulankii labaad ee dalka Vietnam ku dhexmaray Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.