Mareykanka oo ka baxaya heshiiska Nukliyeerka ee Ruushka

485
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Ruushku uusan raacin heshiiska ayna dhawr sano ku xadgudbayeen heshiis sidaas darteed uusan Mareykanka ku sii jiri karin. Sawiraka: Reuters

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu si iskii ah ah uga bixi doono heshiissanadaha badan jiray oo ay la gashay Ruushka oo mamnuucayay soo saarida iyo tijaabinta hub fara badan oo nukliyeer ah.

Heshiiskaan ku saabsan gantaaha ridda dhexe ee  Nukliyeerka ayaa waxaa la saxiixay sanadkii 1987-kii, waxana magaalada Wanshington ku saxiixay madaxweynihii hore ee Maraykanka Ronald Reagan iyo Xoghayihii Guud eeRuushka Mikhail Gorbachev.

Heshiiska ayaa mamnuucayya nukliyeerka iyo kuwa caadiga ah udhexeeya 500 ilaa 1,000 kilo mitir, iyo sidoo kale tijaabin tooda.

Labada dal waxay muddo dheer kumidda midka ku eedeynayay in ay jabiyeen shuruudaha heshiiska caalamiga ah.

“Ruushku ma raacin heshiiska,” ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka,isaga oo aan wax faahfaahin dheeraad ah bixin.

“Waxaan joojineynaa heshiiskii, waanu soo afjari doonaa,” ayuu raaciyay.

Markii la waydiiyay waxa loo malaynayo ficil ahaan, ayuu yiri “” Waa inaan horumarinno hubkaas. ”

Hadalka Madaxweyne Trump ayaa imanaya iyadoo latalihiisa amniga qaranka John Bolton uu ku sugan magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka iyadoo la filayo inuu la kulmowasiirka arimaha dibada Ruushka Sergei Lavrov.

SHARE