Mareykanka oo joojiyay heshiiskii Nukliyeerka ee kala dhaxeeyay Ruushka

626
Mareykanka oo joojiyay heshiiskii Nukliyeerka ee kala dhaxeeyay Ruushka. Sawirka: AF

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa jimcihii ku dhawaaqay in ay hakinayaan heshiiskii Nukliyeerka ay la lahaayeen dalka Ruushka kaddib markii muran soo jiitamayay muddo shan sano ah oo ku aadan hubka Nukliyeerka aan wax horumar ah laga sameeyn.

Xoghahaya arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo ku dhawaaqay go`aanka Mareykanka ayaa sheegay in Mareykanku uu heshiiska Nukliyeerka uga baxayo muddo lix bil  ah haddii uusan Ruushku burburin gantaaladoda riddada dhexe iyo hubka kale ee hareer marsan heshiikii nukliyeerka ee labada dal.

Mike Pompeo ayaa warfidiyeenada ugu sheegay magaalada Washington in uusan qaban karin heshiis ay mar walba ku xadgudbeyso Ruushka.

Ruushka ayaa wali ka gaabsanaya in ay qiraan in gantaalaha ay geeyeen meel ku dhaw xuduudaha dalalka Yurub ay jabiyeen heshiiska nukliyeerka. Ruushka ayaa ku doodeysa in gantaalaheeda aysan dhaafsiisneyn xadkii loogu talo galay sida uu qabo heshiiska labaad dhinac oo la kala saxiixday sannadkii 1987 xilligaas oo Mareykanka uu madax ka ahaa Ronald Reagon, halka Ruushkana uu Madaxweyne ka ahaa Mikhail Gorbachov.

Mareykanka ayaa wali ku adkeysanaya in Ruushku uu heshiiska fashilinayo, hase ahaate ujeedka kaliya ee Madaxweyne Trump ayaan ahayn Ruushka oo qura, laakiin waxa uu doonayaa in uu kusoo daro Shiinaha oo Mareykanku uu cabsi weyn ka qabo.

Mareykanka ayuusan heshiiskii hore ee la saxiixay u ogalaaneyn in uu gantaalo geeyo galbeedka badda Pacifiga oo Shiinuhu uu awood xooggan ku leeyaahay. Shiinaha awooddiisa kordheysa ayaa laga yaabaa in ay caqabad ku noqoto diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo aaggaas ku duula.

Ruushka ayaa dhankooda Mareykanka ku eedeeyay in ay raadinayaan marnarsiyo ay kaga baxaan heshiiska oo aysan diyaar u ahayn wada xaajood in lagu dhammeeyo khilaafka.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa waxa in muddo ahba soo jiitamayay khilaaf ka dhashay gantaalo labaad dal ay kala geeyeen xuduudaha Yurub ,iyada oo mid walbana uu kan kale ku eedeynayo in ay heshiiska ka baxeen.