Mareykanka oo gantaalaha difaaca ee Patriot ka iibinaya Turkiga

423
Mareykanka ayaa Turkiga ka iibinaya gantaalaha difaaca ee Patriot haddii ay diidan kuwa Ruushka. AP

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Mareykaku uu ballanqaaday in uu ka gadayo gantaalaha difaaca ee Patriot haddii turkigu aysan hawlgalin gantaalaha ay Ruushka ka soo gateen ee s400.

Hadalka madaxweyne Erdogan ayaa u muuqda dabac ku yimid mowqifkii Maraykanka oo horay aad ugu adkaa.

Labo sarkaal oo Turkish ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Turkigu ka baaraandagayo yabooha Mareykanka, laakiiin aysan turkigu wali badalin qorshahoodii hore  ee gantaalaha Ruushka ayna si rasmi u hawlgali doonaan gantaalaha S400 bisha soo socota.

Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada tirsan isbaheysiga Nato ayay u dhaxeysay xurguf ku saabsan gadahshada Turkiga ee gantaalaha Ruushka oo Maraykanku uu sheegay in aysan la jaanqaadi karin gantaalihiisa difaaca ee Patriot.

Kaddib dagaal qaraar oo ka dhacay gobolka Idlib ee dalka Suuriya Turkiga ayaa Mareykanka ka codstay in gantaalaha la geeyo xududaha Turkiga si ay uga difaacaan khataraha uga imaan karta suuriya, laakiin Maraykanka ayaa diiday oo sheegay inaysan suurogal ahayn inturkigu uu wada heysto gantaalaha  Patriot iyo kuwa Ruushka ee S400.

Madaxweyne Erdogan oo ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Brusels ayaa shaaciyay in Maraykanku uu u sheegay in ay gantaalaha Patriot Turkiga keenaan, haddii ay rabaana ay ka gadanayaan.

SHARE