Mareykanka oo diiwaangeliyay kiiskii ugu horreeyay ee nuuca cusub ee Fayraska faafa

622

Kiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan cudurka Fayraska cusub ee aad u faafa ee ‘Covid-19’ oo ka soo ifbaxay Ingiriiska ayaa laga xaqiijiyay gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.

Bukaanka, oo ah nin 20 jir ah oo aan taariikh safarkiisa dhow lahayn, ayaa hadda ku jira go’doon ama takoor.

Saraakiisha caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii loo aqoonsan lahaa dadka lala xiriiro iyo kiisaska kale ee ka dhalan kara nooc cusub ee Fayraska.

Waxay timid markii Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu dhaleeceeyay habka tallaalka uu maamulka Trump u qeybinayo.

Wuxuu sheegay in barnaamijku uu dib uga dhacay waqtigii loogu talo galay.

Mareykanka wuxuu diiwaan galiyay in kabadan 19 milyan oo infekshan ah iyo in ka badan 337,000 oo u dhimatay coronavirus, tirada ugu sareysa aduunka.

Noocani cusub ayaa ah mid aad loo faafin karo marka loo eego noocyadii hore laakiin maahan mid khatar badan marka loo eego dadka uu horrey ugu dhacay cudurka ama qaba, sida ay sheegeen khubarada caafimaadka.

Saraakiisha caafimaadka ee Mareykanka ayaa usbuucii la soo dhaafay sheegay inay rumeysan yihiin inuu horey ugu sii faafayay dalka Fayraska cusub.

Hadal uu soo saaray Talaadadii, Gudoomiyaha gobolka Colorado Jared Polis wuxuu ku sheegay bukaanka cudurka qaba inuu ku jiro go’doon degmada Elbert ee u dhow Denver.

Saraakiisha caafimaadka bulshada ayaa waday “baaritaan dhameystiran”, ayuu yiri, mana jirin wax caabuq ah oo laga helay dadka aadka ugu dhow ilaa iyo hadda.

Kiisaska noocyada cusub ayaa ka soo muuqday adduunka oo dhan. Labadii cudur ee ugu horreeyay ee la ogyahay ee ku dhaca qaaradda Waqooyiga Ameerika ayaa isbuucaan ka soo ifbaxay Kanada.

Laba tallaal oo coronavirus ah – midna Moderna midna Pfizer – ayaa hadda loo qaybinayaa oo laga maamulayaa Maraykanka oo dhan.

Dowladdu waxay ujeedkeedu ahaa in ay tallaasho 20 milyan oo Mareykan ah dhammaadka bishaan Diseembar. Laakiin illaa iyo hadda, kaliya 2.1 milyan ayaa la tallaalay, sida ay sheegtay Xarumaha Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC).

Madaxweynaha la doortay Biden wuxuu sheegay in wadista talaalku ay ahayd “caqabadii hawlgal ee ugu waynayd ee abid soo food saartay qaran ahaan”