Mareykanka ayaa uga digay Iran in ay cawaaqibkeda la kulmi doonto haddii ay wax dhibaato ah u gaysato Mareykanka, muwaadiniintiisa iyo xulafadiisa, sida uu sheegay lataliyaha ammaanka qaranka Mareykanka John Bolton.
Digniinta Mr Bolton uu u jeediyay Iran ayaa timid saacado kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku eedeeyay Iran in ay ka abuurayso “fowdo, dhimasho iyo burbur Gobolka Barriga Dhexe.
Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa isaga khubad ka jeedinaya kal fadhiga loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay maamulka madaxweyne Trump inuu cadaawad hurinayo.
Mareykanka ayaa dhawaan ku soo rogay Iran cunaqabatayn kaddib markii uu ka baxay heshiiskii Nukleerka 2015-kii ee ay la galeen quwadaha adduunka iyo Mareykanka.
Heshiiskaan, mareykanku uu ka laabtay ayaa waxaa horrey u saxiixay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, kaasi oo Iran farrayay in ay dhinto barnaamijyadeed tayaynta Nukleerka taasi oo beddelkeedana cunaqabataynta caalamiga ah ee saraan ka khafiifin doonto.
Saxiixayaasha kale ee heshiiskaan ee UK, Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka iyo Ruushka ayaa wali ku taagan heshiiska, waxa ayna sheegeen in ay dejin doonaan nidaam lacag bixin cusub ah si ay ganacsiga ula sii waddaan Iran oo uu dhaafo cunaqabateynta Mareykanka.