Maamulka Madaxweyne Donal Trump ayaa dib u soo celinaya dhammaan cunaqabatayntii dalka Iran laga qaaday sanadkii 2015 kaddib heshiiskii Nukliyeerka.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in ay tahay ” cunaqabataytii ugu adkayd we abid Mareykanku ku soo rogo Iran” iyadoo la bartilmaadsaday targeted qeybaha Tamara, maraakiibta iyo Bangiyada.
Sikastaba ha ahaatee, sideed dal oo Iran shidaalka kala soo dego ayaysan saamayn doonin cunaqabataynta cusub ee Mareykanka.
Dowladaha Midowga Yurub oo taageeray heshiiska ayaa sheegay in ay ilaalin doonaan shirkadaha EU-da si ay ula shaqeeyaan “sharci ahaan” ganacsiga Iran.
Madaxweyne Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska Nukliyeerka Iran bishii May, isagoo ku tilmaamay “mid aan sax ahayn”.