Mareykanka oo dib u soo celiyay cunaqabateyta Iran

660

Maraykanka ayaa dib u soo celiyay cunaqabateyn xagga saliidda iyo dhaqaalaha ah ee Iran, taas oo si weyn uga soo horjeesatay cadaadiska Tehran si loo xakameeyo  ciribtirka barnaamijyadeed nukliyeerka iyo gantaalaha.

Heshiiska Isniinta ayaa dib u soo celin doona cunaqabateynta Mareykanka ee lagu qaaday heshiiskii nukliyarka  ee sanadkii 2015ka oo ay ka wada xaajoodeen maamulkii madaxweyne Barack Obama, waxaana lagu darey 300 cusub oo ah shidaalka Iran, maraakiibta iyo caymiska bangiyada.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa ku dhaartay inuu jabin doono cunaqabateynta lagu soo rogay shirkadaha tamarta iyo bangiyada muhiimka ah ee Iran.

“Maraykanku wuxuu doonayay in uu yareeyo iibka saliida ee Iran, laakiin waxaan sii wadi doonnaa inaan iibino saliideena … si aan u jebino cunaqabateynta,” Rouhani ayaa u sheegay dhaqaaleyahannada kaddib kulan uu la yeeshay Isniintii.

Madaxwayne Donald Trump ayaa Axadii sheegay in Iran ay la xarbinaysocadaadiska uu ku hayo maamulkiisa.

“Cunaqabateynta Iran waa mid aad u xoogan; waa ciqaabtii ugu xoogganaydee aan abid ku soo roganno, waxaanan arki doonaa waxa ku dhaca Iran, laakiin si fiican uma shaqaynayaan, waan kuu sheegi karaa.” Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Dalka Iran ayaa wax ka soconaya bannaan baxayo waa wayn oo looga soo horjeedo cunaqabataynta cusub ee Mareykanka ee ka dhanka ah Iran,taasi oo saamayn xooggan ku yeelan doonto dhinacyada tamarta, iibka shidaalka iyo dhoofinta iyo camayska bandhiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Trump ayaa ku dhawaaqay bishii May in maamulkiisu uu ka baxayo heshiiska isagoo ku tilmaamay “heshiiskii ugu xumaa abid” ee madaxweyne Mareykanka ah uu saxiixo.

Dhinacyada kale ee heshiiska qeybta ka ahaa, oo ay ku jiraan Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Shiinaha  iyo Ruushka, ayaa sheegay in aysan ka bixin doonin heshiiska oo ay ku sii jiri doonaan.

Heshiiska Nukliyeerka ee sanadkii 2015 ayaa dhigayay inta badan cunaqabataynta calaamiga ah ee dhaqaalaha ee Iran saarnayd la qaado iyadoo beddelkeeda Iran ay ciribtiraysay barnaamijkeeda lagu muransan yahay ee Nukliyeerka oo ay Qaramada Midoobayna kormeerayso.

Shiinaha, Hindiya, Kuuriyada Koonfureed, Jabaan iyoTurkiga – oo ah dhamaan dalalka ugu badan oo shidaalka kala soo dega Iran – ayaa ka mid ah sideed waddan oo si ku meel gaar ah looga reebay cunaqabataynta dalalka xiriirka ganacsi kala dhexeeyo Iran si loo xaqiijiyo inuusan kor u kicin qiimaha shidaalka.