Mareykanka oo dib u furay safaaradiisii Muqdisho 28 sanno kaddib

653
Calaamada furitaanka safaaradda ee calamada Mareykanka iyo Soomaaliya la agdhigay. (Sawirka - Twitter @US2SOMALIA)

Muqdisho – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay dib u furtay safaaradeedii ay ku laheyd Soomaaliya. Midii hore ayaa la xiray Janaayo sanadkii 1991 intii uu socday dagaalkii sokeeye ee waddanka ka dhacay. Dhismaha safaaradda cusub ayaa ku taal garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Maraykanka ayaa irdaha la iskugu dhuftay safaradoodii sannadkii 1991 markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la xiray safaaraddii Marameykanka oo ku beegneyd 5tii January sannadkii 1991 waxa uu Mareykanku sii waday iskaashigii ay la lahaayeen dadka Soomaaliyeed taas oo ay ka mid tahay in ay si rasmi ah dib usoo celiyeen xiriirkii diploomaasiyeed markii ay bishii December sannadkii 2018 soo rareen danjirayaashoodii ku sugnaa Nairobi, ayaa lagu yiri qoraal dowladda Mareykanku soo saartay.

Dib u yagleelidda safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa ha tillaabo kale oo horay loo qaaday taas oo muujineysa xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya ,iyo sidoo kale horumarinta nabadda xasilloonida, nabadda , iyo horumarka Soomaaliya iyo gobolka, sida lagu xusay qoraalka.

Ambassador Donald Yamamoto oo gacanta ku hayay muddada kala guurka ayaa sheegay in ay adkeynayaan xiriirka ka dhaxeeya labadeena Dal iyo dad. “Waa maalin muhiim iyo taariikhi ah oo muujineysa horumarka ay sanadahaan sameysay Soomaaliya iyo tillaabo kale oo loo qaaday caadiyeynta xiriirka diploomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Maraykanka tan iyo markii la aqoonsaday dawladda Soomaaliya sannadkii 2013.” Ayuu yiri.

Safaaradda Mareykanka ayuu sheegay danjire Yamamoto in ay ka shaqeyn doonto iskaashiga labada dal iyo xaqiininta danaha istaraatiijayadeed ee Mareykanka iyo gacan ka geysashada amniga ,siyaasadda iyo yoolalka horumarineed ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa wali ka caawiyana Soomaaliya dadaalada ay ku dooneyso in ay dhisto dal xasilloon oo dimuqraadi ah ayaa lagu soo afmeeray warka ka soo baxay Mareykanka.