Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu doonayo in si degdeg ah loo bilaabo wadahadalada Nukleerka ee Kuuriyada Waqooyi, kaddib heshiiskii ku dhexmaray labada Kuuriya shirkii ay ku yeesheen magaalada Pyongyang.
Hoggaamiyaha Kuuriya Waqooyi Kim Jong-un ayaa ka ballanqaaday shirka taariikhiga ah ee madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu la yeeshay, in la burburiyo xarumaheeda gantaalaha muhiimka ah, waxana uu soo jeediyay in ay xirayso dhismaha Nukleerka ugu weyn ee Yongbyon haddii Washington ay qaadatay tallaabooyin aan la cayimin.
Pompeo ayaa soo dhaweeyay heshiiskii arbacadii ay kala saxiideen labadii Kuuriya si looga dhigo gacanka Kuuriyada meel ka caagan hubka Nukleerka ah.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay arbacadii in ku caasuumay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong-ho magaalada New York City toddobaadka soo socda si looga wadahadlo dhamaystirka baa’inta qorshaha hubka ee bisha January sanadka 2021.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku kulmay magaalada dalka Singapore bishii June ee sanadkaan, kaasi oo ahaa kulankii ugu horreeyay oo madaxweyne Mareykan ah la yeesho hogaamiye Kuuriyada Waqooyi ah.