Mareykanka oo dib u bilaabay taageeradii uu siin jiray ciidanka Soomaaliya

95
Mareykanka oo dib u bilaabay kaalmeyn xadidan ee ciidanka Soomaaliya. Sawirka: Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya/ Twitter

Muqdisho – War qoraal oo lagu faafiyay barta Twitterka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu dib u bilaabay taageeradii ay siin jireen cutubyada ciidanka gaarka ah taas oo lagu taageerayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dib u habeynta lagu sameeyay hannaanka maaliyadeed ee ciidanka xoogga taas oo la sheegay in ay sare u qaadeyso kalsoonida deeq bixiyaasha .

Waxaa kale oo dowladda loogu baaqay in ay mudnaanta siiso dib u habeynta hey’adaha ammaanka iyo maamreeynta shaaqaalaha iyo hantida si loo dhiso ciidan dhameystiran xirfad ahaan iyo akhlaaq ahaanba.

Qoraalka ayaa lagu soo gagabeeyay in Mareykanku sii wadi doono taageeridda hawlgalada gaarka ee lagu wiiqayo kooxaha argagixisada, iyada oo dhanka kalena dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada loogu baaqay dib u heshiisiin la tilmaamay in ay muhiim u tahay dib u dhiska dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

SHARE