Mareykanka ayaa sheegay khamiistii in ay dhisayaan isbaheysi ka hortaga halista Iiraan kaddib weeraro lagu qaaday goobo shidaal oo ku yaalla Sucuudiga.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Madaxweyne Trump oo cunaqabateyn cusub ku soo rogay Iiraan uu doonayo xal diblomaasiyadeed oo laga gaaro arrinta Iiraan.
Dhanka kale Iiraan ayaa Mareykanka uga digtay in dagaal lugaha loo galiyo iyada oo ku goodisay in duulaan kasta uu la kulmi jawaab celin adag.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo oo markii uu wadahadal la yeeshay Sucuuidga iyo Imaaraadka kaddib shir qabtay ayaa u muuqda mid dabciyay luqaddii hore. Pompeo ayaa sheegay in ay dhisayaan isbaheysi ujeedkiisu yahay sidii nabad loogu xallin lahaa qalalaasaha cusub ee ku soo kordhay Bariga dhexe.
Mike Pompeo ayaan wax faahfaahin ah ka bixin nuuca uu noqon doono isbaheysiga Mareykanku dhisayo, hase ahaate Mareykanku ayaa dhawaanahaanba ku mashquulsanaa dhismaha isbaheysi dhanka badda ah tan iyo markii ay Iiraan weerartay markabkii laga lahaa Britain oo muddo u xirnaa.
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Maxamed Jawed Zarif ayaa dhankiisa ku goodiyay in Iiraan aysan u libiqsan doonin difaaca dalkooda oo haddii Sucuudiga iyo Mareykanku ay weerar geystaan ay noqon doonto dagaal aan waxba la iskula harin.
Jawed Zarif wasiirka arrimaha dibadda Iiraan oo wareysi siinayay Telefishinka CNN ee Mareykanka ayaa ku jeesjeesay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka isaga oo sheegay in uu ka mid yahay koox isku magacowday (B team) oo u ku jiro dhaxal sugaha Sucuudiga, kuwaas oo isku dayaya in ay Madaxweynaha Mareykanka dagaal galiyaan.
Dalalka kala ah Britain, Baxreyn, iyo Imaaraadka ayaa durbaba sheegay in ay ku biirayaan isbaheysiga cusub ee dhanka badda ee Mareykanku dhisayo, hayeeshe dalal badan oo reer Yurub ah ayaa ka cago jiidaya ku biirista isbaheysiga cusub sababo la xiriira in uu isbaheysigaan uu gobolka galin karo colaad hor leh ah . Ciraaq ayaa gabi ahaanba diiday ka mid noqoshada isbaheysiga, iyo waliba in Isra’iil ay wax lug ah ku yeelato isbaheysigaan cusub.
Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ugu baaqay dalalka gobolka Bariga dhexe in ay wada fariistaan oo ka wadahadlaan arrinta si aysan xaaladdu faraha ugu bixin. Sergey ayaa intaas ku daray in eedaha aan waxba ka jirin ee Iiraan loo jeedinayo ay xaaladda dab kusii shidayaan.
Kuwait oo horay u sheegtay in ay baareyso in dronka(Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn) uu dalkeeda kormaray ayaa sare u qaaday ammaanka goobaha shidaalka , waxaana heegan la galiyay ciidanka.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in fadhiga golaha loo dhanyahay lagu soo qaadi doono arrinta, isaga oo Sucudiga ugu baaqay in ay dacwadooda golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay geeyaan.