Mareykanka oo dalbaday in la joojiyo dagaalka dalka Yemen

648
Xoghayaha difaaca Mareykanka James Mattis ayaa dalbaday in xabad joojin laga sameeyo dalka Yemen, wadahalo nabadeedna isugu yimaadaan dhicyada dagaalamaya. Sawirka: AP

Mareykanka ayaa ku baaqay dagaalka dalka Yemen la joojiso isagoo ka codsaday dhinacyada dagaalamaya in ay si degdeg ah miiska wadahalka u yimaadaan.

Hadalka ayaa imanaya iyadoo isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ay in ka badan 10 kun oo cusub askari ay doonayaan in ay geeyeen magaalada dekedda leh ee muhiimka ee Xudeyda si ay weerar ugu qaadan kooxaha xuuthiyiinta ee gacanta ku haya.

James Mattis, xohayaha waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon, ayaa sheegay in Mareykanku uu daawanayay muddo dheer , isagoo sheegay in rumaysan yahay in  isbaheysiga Mareykanku taagero ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ee la dagaalamaya mucaaradka xuuthiyiinta ay wadahadalo diyaar u yihiin.

said the US had been watching the conflict “for long enough”, adding he believes Saudi Arabia and the United Arab Emirates – who are in a US-backed coalition fighting Houthi rebels – are ready for talks.

” waaa inaa ku dhaqaaqnaa dadaalada ku aadan nabadda, ma dhihi karno mustaqbalka ayaan doonaynaa in aan samayno,” ayuu yiri Xoghayaha difaaca Mareykanka Mattis.

Xoghayaha difaaca Mareykanka James Mattis ayaa sheegay in wadahalada nabad lagu qabto muddo 30 maalmood gudaheed ah.

Sidoo kale Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadku hoggaamiyo in ay joojiyaan duqaymaha weerada cirka ah ee loo gaysanayo goobaha dadka ay ku badan yihiin ee dalka Yemen. Waxa uu sheegay in hadda la joogo waqtigii colaada dalka Yemen la dhamayn lahaa.

Ugu yaraan 10 kun oo ruux ayaa lagu dilay dagaalada ka socda dalka Yemen sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo hey’adaha xaquuqdul aadanaha ka shaqeeya.