Hey’adda mlMaaliyadda Mareykanka ayaa cunoqabateyn kusoo rogtay shirkadda shidaalka oo ay leedahay dowladda Venezuella, iyada oo sidoo kalena la wareegtay hanti ay leedahay shirkadda oo gaareeysa 7 bilyan oo dollarka Mareykanka. Xoghayaha dhanka maaliyadda ee Mareykanka Steven Mnuchin ayaa sidaas ku dhawaaqay shir jaraa’id oo uu ku qabtay alAqalka cad ee Mareykanka
Xoghahaya Maaliyadda oo shir jaraa’id oo wadajir la qabtay la taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in ujeedada Mareykanku ay tahay in hantida ay shirkadda leedahay aysan meel kale u wareegsan maamulka madaxweyne Maduro oo Marayknaku uu u arko mid aan sharci ahayn.
Xogahaya maaliyadda Mareykanka ayaa caddeeyay in hantida la xanibay loo gacan gelin doono Madaxweynaha ku meel gaarka ah Juan Guiado ama dowladdii timaada oo si dimuqraadi ah lagu doorto.
La taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu yaqaan waxa ay tahay dowladda ay rabaan dadka Venazuella sidaasna ay hadafkooda uga dhigteen sidii loo gaari lahaa dowladdaas.
Mareykanka ayaa shidaal badan oo waxa uu ka gataa dalka Venezuella, waxaana laga yaabaa in go`aankaan uu saameyo Mareykanka.
Xoghayaha Maaliyadda Marekanka ayaa walaacaas meesha ka saaray isaga oo sheegay in aysan wax weyn ku yeelan doonin Mareykanka.
Mareykanka ayaa ahaa dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido kaddib markii uu iskiis ugu dhawaaqay madaxweynenimada dalka Venazuella.