
Mareykanka ayaa isniintii cunaqabateyn kusoo rogay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Chechniya ee dal weynaha Ruushka sababo la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.
Ramzan Kadyrov oo 43 ayaa lagu eedeeyay in Gobolka uu gacanta ku hayo uu u maamulay sida hanti u leeyahay isaga oo ku tiirsan ciidan gaar ah oo uu ku maquuniyo mucaraadkiisa iyo ciddii ka hortimaadda xukunkiisa.
Hey’addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dooday in Ramzan iyo ragga ka hoseeya dil, jirdil iyo afduub ka dhan ah mucaaradkiisa.
War qoraal ah oo lagu shaacinayay cunoqabateynta ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo waxa uu tilmaamay xoggo xaqiiqo ah oo muujinaya tacadiyada uu geystay Ramzan Kadyrov tobanaan sano kabadan. Tacadiyadaas ayaa iskugu jira jirdil iyo dilal sharcidarro ah.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa sheegay in xayiraadda ay saameyn doonto Ramzan Kadyrov xaaskiisa iyo labadiisa gabdhood. Mareykanka ayaa dalalka xulafada la ah ku dhiirigaliyay inay qaadaan tallaabo la mid ah tan Mareykanka.
Ramzan Kadyrov ayaa dowladda Dhexe ee Ruushka ka caawiyay in laga adkaado kooxo doonayay in Ruushka laga goosto, waxaana labo dagaal oo halkaa ka dhacay lagu jabiyay gooni u goosadka.