Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay dacwad oogaha maxkamadda ICC

872
Fatou Bensouda waa dacwad oogaha ugu sarreeysa Maxkamadda dambiyada ee ICC. Reuters

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii cunoqabateyn kusoo rogay dacwad oogaha ugu sarreeya Maxkamadda caalamiga ah ee dambiya dagaalka, Fatou Bensouda iyo saraakiil sarsare ka gadaal markii ay ku adkeysteen sii wadida baaritaanka dambiyo dagaal oo ay galeen dad Mareykanka u dhashay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo ayaa ku dhawaaqay tallaabada Mareykanku ka qaaday Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Nederland. Mareykanka ayaa uga gol leh tallaabadaan si ay u joojiyaan baaritaanka dambiyada Mareykanka iyo xulafadiisa.

Cunoqabateynta ayaa waxaa ka mid ah xayiraadda hantida Mareykanka ka taalla Fatou Bensouda iyo madaxa ikhtisaaska ama go’aamiya in maxkamaddu awood u leedahay galidda dacwada Phakiso Mochochoko. Waxa kale oo ay xayiraaddu saameyn doontaa hantida taalla meel ka baxsan Mareykanka ee sharciga Mareykanku qabanayo.

Mike Pompeo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in maxkamadda oo aysan Mareykanku qayb ka ahayn ay tahay hey’ad musuq harreeyay oo dunsan.

Pompeo ayaa si carro leh u yiri uma dulqaadan doonno isku daygooda sharcidarrada ah ee ay ku doonayaan in dad American ah la maxkamadeyo.

Waxaa si la mid ah dacwad oogayaasha ICC wajahaya ciqaab dad u dhashay Mareykanka oo taageero siiyay dacwad oogayaasha sida uu sheegay Mike Pompe.

Mareykanka ayaa horay xayiraad dhanka safarka ah ugu soo rogay Fatou Bensouda iyo saraakiil kale oo ka tirsan Maxkamadda ICC kaddib markii maxkamaddu sheegtay inay bilaabayaan baaritaan la xiriira jirdil iyo tacadiyo ay Mareykanku ka geysteen Afghanistaan.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ayaysan Mareykanku qayb ka ahayn waxayna marar badan Mareykanku hor istaageen in la baaro ciidankooda iyo dalalka xulafada la ah sida Isra’iil.