Mareykanka oo ciidamadiisa kala baxaya Afghanistan

443
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidankiisa kala bar uu kala bixi doono Afghanistan bilo gudahood. Sawirka: Reuters

Maamulka madaxweyne Trump ayaa qorsheynaya in kumanaan ciidanka Mareykanka ee Afghanistan uu kala baxo, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Warbixinnada, iyaga oo soo xiganaya mas’uuliyiinta aan la magacaabin, ayaa sheegay in qiyaastii 7,000 oo askari dalkooda lagu soo celin doono bilaha soo socda gudahood.

Warbixinnada ayaa imaanaya maalin kadib markii madaxweyne Trump ku dhawaaqay ciidamada Mareykanka ee ku sugan gudaha dalka Syria in ay ka soo baxayaan.

Khamiistii, waxaa ku dhawaaqay inuu jagadiisa iska casilayo Xoghayaha Difaaca Mareykanka Jim Mattis.

Wararka ku saabsan dhimista ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ayaa soo baxay Khamiistii, balse saraakiisha difaaca Mareykanka ma aysan xaqiijin.

Xeeldheerayaasha ayaa ka digay ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan ee xiligaan in ay keeni karto “saamayn xun” iyadoo dagaalyahanada Taliban siin karta guulka dhanka dagaalka dacaayada ah.

Mareykanka ayaa ku sugan Afghanistan ilaa sanadkii 2001, kaddib weeraradii September 11-dii ee lagu qaaday Mareykanka. Waa dagaalkii ugu dheeraa taariikhada Mareykanka, waxaa ku dhintay ugu yaraan 2,300 kun oo Mareykanka ah.

Markii Taliban, oo ka talinaysay Afghanistan, ay diiday in ay soo dhiibto hogaamiyihii al-Qaeda Osama Bin Laden – kaasi oo la sheegay inuu qorsheeyay weeraradii September 11-dii- Madaxweynihii Mareykanka ee George W Bush ayaa qaaday hawlgal militari oo lagu soo qabanayo Bin Laden, isagoo xukunkana ka tuuray Taliban.

Ciidamada qaaska ah ee loo yaqaano (Navy Seals) ayaa ugu dambayn helay kaddibana ku dilay Bin Laden magaalada Abbottabad ee gudaha dalka Pakistan sanadkii 2011.

17 sanno kaddib 2, 400 oo askari ayaa Mareykanka uga dhimatay dagaalka Afghanistan. 900 bilyan oo doollar ayaana ku baxday dagaalka Afghanistan. Taliban ayaa wali kala bar dalka ka talisa.

Mareykanka hadda 14,000 oo askari ayaa ka jooga dalka Afghanistan. Dagaalka Mareykanka ee ka socda Afghanistan ayaa si rasmi ah u dhammaaday 2014.

SHARE