Dowladda Mareykanka ayaa cambaareeysay qaraxyadii iyo weeraradii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo lagu dilay ugu yaraan 30 qof tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen.
”Mar labaad, argagixisadu waxay muujiyeen dareenkooda iyaga oo bar-tilmaameedsanaya rayidka aan waxba galabsan ee jidadka caasimadda. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaska iyo saaxiibada kuwa la dilay iyo dhaawaca”. ayaa lagu yiri war saxaafadeed Safaarada Mareykanka ee Muqdisho laga soo saaray.
Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyay warka ka soo baxay Safaaradda dowladda Mareykanka jawaabta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ka bixiyeen weerarkii xalay , waxa ayna sheegtay dowladda Mareykanku in ay sii wadayso taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xulafadooda dagaalka lagula jiro argagixisanimada.