Mareykanka oo bilaabay tallaabooyinka uu uga baxayo heshiiska cimilada adduunka ee ‘Paris’

766

Go’aanka Mareykanka ayaa lagu wargaliyay Qaramada Midoobay iyada oo dalal badan ay durbadiiba walaac ka muujiyeen go’aanka Mareykanka.

Geedi socodka Mareykanku uga baxayo heshiiska caalamiga ah ee cimilada ayaa bilaabanaya maalin kaddib doorashada Madaxweynenimo ee Maraykanka ee sanadka 2020ka.

Mareykanka ayaa ku dooday in heshiiska uu culeys dhaqaale saarayo muwaadiniinta dalkiisa taas oo sabab u ah go’aanka ay uga baxayaan heshiiska oo horay ay u saxiixeen 188 dal oo dunida dacaladeeda ku yaal.

Waddamo badan ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka oo halis gelinaya heshiiska lagula dagaalamayo cimilada sii kululaaneysa. Dalalka Yurub ayaa dadaallo badan ku bixiyay si Mareykanka uusan uga bixin heshiiska, hayeeshe dadaaladaas ayaa u muuqda kuwa guuldareystay

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in uu Arbacada tago dalka Shiinaha halkaas oo war murtiyeed ah in aan laga bixi karin heshiiska cimilada kula saxiixan doono Madaxweynaha Shiinaha.

Afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa go’aanka Madaxweyne Trump ku tilmaantay mid lagu gadayo mustaqbalka carruurta Mareykanka.

Mareykanka ayaa qaba in heshiisku uu dalka Shiinaha oo ah dalka ugu hawo wasaqeynta badan siinayo faaiidooyin gaar ah taas oo culeys ku ah Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in heshiis nuucaan ah uusan jiri karin iyada oo Mareykanku qayb ka ahayn.

Madaxweyne Trump ayaa waxyaabaha uu ololaha ku galay waxaa ka mid ahaa in uu ka baxayo heshiiska maadaama uu dhib ku yahay Mareykanka taas badalkeedana ay la imaan doonaan qaab kale. Haddii uusan Trump ku guuleysan doorashada soo socota waxaa jirta fursad looga noqon ka bixitaanka heshiiska cimilada.