Nin hubeysan ayaa dilay 10 qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah kadib iska hor imaad saacado qaatay oo ka dhacay suuq lagu iibiyo cuntada oo ku yaal gobolka Colorado ee dalka Mareykanka.
Weerarkii ka dhacay Boulder wuxuu ku dhammaaday booliska oo xiray tuhmane la dhaawacay suuqa King Soopers.
Toogashada waxaa si toos ah looga daawanayay baraha bulshada waxaana laga sii daayay Youtube.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 51 jir Eric Talley, oo ahaa sarkaalkii ugu horreeyay ee booliis ah ee ka jawaaba toogashada.
Xeer ilaaliyaha degmada, Michael Dougherty, ayaa yiri: “Tani waa musiibo iyo cabsi ku soo food saartay degmada Boulder.”
“Kuwani waxay ahaayeen dad ku mashquulsan maalintooda, oo dukaameysanayay. Waxaan u ballan qaadayaa dhibbanayaasha iyo dadka gobolka Colorado in aan sugi doonno caddaaladda.”
Faahfaahin kale lagama bixin sagaalka dhibbane ee kale ama ujeedka weerarka.
Dukaanka raashinka ayaa ku yaal goob ganacsi oo mashquul badan oo ku taal Boulder, oo ku taal waqooyiga-bartamaha magaalada Colorado qiyaastii 30 mayl (50km) oo u jirta caasimada gobolka Denver.
Weerarka Supermarket-ka ayaa imanaya wax ka yar todobaad kadib toogasho wadareed oo lagu dilay sideed qof, oo ay ku jiraan lix haween Aasiya ah gobolka Atlanta.