Mareykanka iyo Turkiga oo ku heshiiyay in la hakiyo duulaanka Turkiga ee Waqooyiga Suuriya

566
Erdogan iyo Pence ayaa kulan ku yeeshay magaalada Ankara si ay uga wadahadlaan hawlgalka Turkiga ee Waqooyi Suuriya [Anadolu]

Turkiga iyo Mareykanka ayaa isku afgartay in muddo shan bari ah Turkigu uu joojiyo hawlgalka ka dhanka ah kooxda Kurdishka ee ka socda Waqooyiga dalka Suuriya si loo siiyo fursad ay kooxda YPG uga baxdo deegaanada ku dhow xuduudda Turkiga.

Sidaas waxaa magaalada Ankara ka sheegay Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo wadahadal la yeeshay hoggaanka Turkiga.

Booqashada iyo wadahadalka Madaxweyne ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa imaanaya iyada oo xiisadda u dhaxeeysa labada dhinac ay cirka isku shareertay tan iyo markii Turkigu bilaabay hawlgalka ka dhanka ah kooxda YPG.

Mike Pence ayaa shir jaraa’id oo uu sida wadajir ah ula qabtay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka waxa uu kaga dhawaaqay xabad joojin socon doonta 120 saacadood, taas oo fursad ay ciidankooda kala baxaan aag lagu qiyaasay 32 KM siinaysa kooxda YPG.

Turkiga ayaa doonaya in dhulkaas ay ka sameeyaan aag nabdoon oo dib loogu soo celiyo qaxootiga Suuriyaanka ee gaaraya 3.6 Milyan oo ku sugan dalka Turkiga.

Sida ku qoran heshiiska labada dhinac Turkiga wax uu hakin doonaa duullaanka loogu magacdaray “Guga nabadda”, iyada oo Mareykankuna marka uu si dhab ah u xaqiijiyo dhaqangalka xabad joojinta gabi ahanba meesha ka saari doona cunoqabateynta Turkiga la saaro.

Madaxweyne Trump ayaa si weyn u ammaanay heshiiska isaga oo ku tilmaamay natiijada wada xaajoodka mid la yaab leh.Trump ayaa sheegay in mararka qaar loo baahanyahay ad adeyg si loo gaaro heshiisyo waxtar leh.

Aagga nabadda oo Turkigu doonayay in badan ayaa waxaa fulin doona ciidanka Turkiga .

Mareykanka iyo Turkiga ayaa isku raacay in ay muhiim tahay waqti siinta kooxda Kurdishka si ay uga baxaan deegaanada loo asteeyay in ay noqdaan aagga nabadgalyo ah.