Mareykanka iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Deyn Cafinta

88

Muqdisho – Wasiirka  Maaliyadda dowladda Federaalka iyo danjiraha Mareykanka Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku aadan sidii lagu dhimi lahaa dibna loogu qaabeyn lahaa deynta ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin sadddex Hey’adood oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarada ay ku tallaabsatay dowlada Soomaaliya dhanka deyn cafinta ay  keentay in ay gaarto barta ” qaraar qaadashada”  ee deyn cafinta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa dhanka kale sheegtay in haddii ay dowladda Soomaaliya ay gaarto barta dhameystirka deyn cafiska Mareykanku ka cafin doono 1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah.

Heshiiska Deyn Cafinta ee ay kala saiixdeen Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa daba socda shirkii dalalka Paris Club (31 March 2020) ee Soomaaliya looga cafiyay lacag dhan 1.4 Bilyan oo dollaar.

Mareykanka ayaa bogaadiyay dadaalada  dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso dib u hagaajinta nidaamka dhaqaale ee dalka taas oo horseedi karta in ay Soomaaliya ka shaqeyso deyn cafinta  oo marka lagu guuleysto keeni karta in ay Soomaaliya dib ula macaamisho Hey’addaha Maaliyadeed ee dunida.

Heshiiskaan oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee gudaha xerada Xalane ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

SHARE