Mareykanka iyo Shiinaha oo dib-u- bilaabaya wadahadalada Ganacsiga

633

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isku raacay in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyada ganacsiga, iyaga oo yareynaya khilaaf dheeraaday ee sabab hoos dhaca dhaqaale caalami ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen intii uu socday shirka G20 ee ka socda dalka Japan waxa ay gareen heshiis ah in dib loo bilaabo wadahadalada ganacsiga.

Mr Trump ayaa sheegay in wada hadaladu ay ahaayeen kuwo “aad u fiican”.

Waxa uu ku hanjabay inuu ku soo rogi doono 300 bilyan oo doollar oo ah canshuur dheeraad ah ku saabsan soo dejinta badeecadda Shiinaha.

Mareykanka iyo Shiinaha – oo ah labada dhaqaale ee adduunka ugu weyn – waxa u dhexeeya dagaal ganacsi ilaa sannadkii la soo dhaafay.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Shiinaha in ay xadaan hantida cilmiga iyo in ay ku qasbaan shirkadaha Mareykanka in ay wadaagaan sirta ganacsiga si ay ganacsi uga sameeyaan Shiinaha.

Dhankeeda, Shiinaha, ayaa sheegay in dalabka Mareykanka ee dib-u-habeeynta ganacsiga ay ahaayeen kuwo aan macquul ahayn.

Dagaalka ayaa sii kordhay bilihii la soo dhaafay, kadib markii wadahadaladii ganacsiga ee labada dal ay burbureen bishii May.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Mareykanku uu aqbalay inuusan canshuur cusub ku soo rogin Shiinaha, inkastoo Mareykanku aanu xaqiijin.

Waxa uu intaa ku daray in gorgortamayaasha labada dhinac ay ka wada hadli doonaan faahfaahinta gaarka ah, laakiin ma aysan faahfaahin.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa laga soo xigatay in “Shiinaha iyo Mareykanku waxay leeyihiin dano isku dhafan oo aad u kala duwan iyo meelo badan oo iskaashiga ah, mana aha inay ku dhacaan dabaqyo isku dhac ah iyo iskahorimaad. “