Mareykanka iyo Qaramada Midoobay oo ka hadlay Suxufiga la’yahay ee u dhashay Sacuudiga

792

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa walaac ka muujiyay saxafiga caanka ah ee Sacuudiga u dhashay ahaayna nin aad u  cambaareya xukunka Boqortooyada Sacuudiga Jamal Khashoggi, oo la waayay kadib markii uu ku galay qunsuliyada Sacuudi Carabiya ee magaalada Istanbul todobaadkii hore.

“Waan ka walwalsanahay, ma jecli inaan maqlo arrintan, waxaan rajeyneynaa, in ay iska soo bixi doonto,” ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka Aqalka Cad. “Xaqiiqdii, qofna ma garanayo wax ku saabsan arrintaan, waxaa jira sheekooyin xun oo oo socda, mana jecla jecli.”

Waxaa iyaguna walwal xooggaan ka muujiyay maqnaansha Suxufiga Khashoggi madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

Sidoo kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xaquuqada aadanaha ayaa ugu baaqay maanta oo taalada ah Turkiga iyo Sacuudiga in ay si wanaagsan u baraan suxufiga caanka ah Jamal Khashoggi, kaasi oo lagu dhex wayay kaddib markii uu galay qunsiliyada Sacuudiga ee ku taala magaalada Istanbul toddobaadkii hore.

” Haddii ay jiraan wararka ku saabsan dilkiisa iyo duruufaha kale ee aan caadiga ahayn ee ka soo baxaya arrintaan, runtii waa naxdin,” ayay tiri  Ravina Shamdasani oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Geneva, ee dalka Switzerland.

Hadalka Shamdasani oo u hadashay Qaramada midoobay ayaa yimid iyadoo sidoo kale madax badan oo adduunka ah iyo hey’ado caalami ah ay walaac xooggan ka muujiyeen arrinta Suxufiga la’yahay.

Khashoggi, oo Mareykanka degan, ayaa sanadkii hore maqaal cambarayn ah ka qoray dhaxal suguha boqortooyada Sacuudiga boqor Mohammed bin Salman. Suxufiga ayaa 2-dii bishii Oktoobar galay Qunsiliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul dibna looma arag.

Turkiga ayaa sheegay in Suxufiga Jamal Khashoggi lagu dhex dilay dhismaha qunsiliyada balse Sacuudiga ayaa beeniyay arintaasi, waxa ayna sheegtay in uu iskiis uga tagay qunsiliyada.