Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo dib u bilaabaya wadahadalada Nukliyeerka

526
Trump oo shaaciyay kulanka labaad ee uu la yeelan doono hoggaamiyaha K/Waqooyi. Sawirka: AP

Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxa ay si wadajir ah todabaadka danbe ee bishaan u bilaabi doonaan wadahadalada labada dhinac ee Nukliyeerka.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Morgan Ortgus ayaa War qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku xaqiijisay in kulanka labada dhinac uu qbasoomi doono. Ma aysan sheegin halka uu ka dhacayo iyo taariikhda uu kulankaasi qabsoomi doono.

Dhanka kale wasiir ku ku xigeenka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Son Hui ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in 4ta bisha October la qaban doono kulamo hordhac u ah kulanka dhacaya 5ta bisha October oo guddiyada labada dhinac ay isku arki doonaan.

Choe ayaa rejo wanaagsan ka muujiyay kulanka hayeeshee sida Mareykanka oo kale ayuu ka gaabsaday in uu sheego dalka uu ka dhacayo kulanka.

Wadahadalada nukliyeerka ayaa gabi ahaanba joogsaday bishii February ee sanadkaan kaddib markii Madaxweyne Trump uu si lama filaan ah usoo gaabiyay kulankiisa uu caasimadda Hanoi ee dalka Vietnam kula lahaa Madaxwynaha Kuuriyada Waqooyi, markii uu Kim Jon Un ku adkeystay in laga qaado cunoqabtaeynta saaran gabigeed inta aan la billabin wadahadalka.

Markii ugu danbeysay ee labada Hoggaamiye ay kulmeen ayaa ahayd bishii June ee sannadkaan oo ay isku arkeen aagga milatariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriyo.Trump iyo Kim ayaa markaas isku raacay in dib loo soo celiyo wadahadaladii oo noqon doona heer hawladeenno.

Trump iyo Kim Jon Un ayaa saxiixay sanadkii la soo dhaafay markii ay ku kulmeen dalka Singapore heshiiskii ugu horreeyay oo Kuuriyada Waqooyi ay gabi ahaan ku baab’neyso hubkeeda Nukliyeerka ah.

Heshiiskaas oo mugdi uu ku jiray ayaysan ka muuqan sida bulshada caalamku ay u xaqiijin karto in Kuuriyada Waqooyi ay burburineyso hubkeeda nukliyeerka.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa u muuqata in ay hakad galisay barnaamijkeeda nukliyeerka si fursad loo siiyo wadahadalka, taas ayay se muuqata in ay burtay kaddib markii ay Waqooyiga Kuuriya tiijaabisay gantaallo ridda gaaban ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhanka kale sheegtay in ay ka go’antahay in aysan tijaabin gantaalaha ridada dheer iyo gantaalaha maraakiibta gujiska ah.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ka gaabsaday tijaabininta Kuuriya ee gantaalaha, waxaana uu sheegay in Maraykanku uusan diidaneyn in ay tijaabiso gantaalaha ridada gaaban inkasta oo taas ay jabineyso qaraarada Qaramada Midoobay.

Trump waxa uu mar kale sheegay in uusan ku degdegeyn sidii loo burburin lahaa hubka Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa sanando badan waxa uu dadaal ugu jiray sidii Kuuriyada Waqooyi looga hor istaagi lahaa sameysashada hubka Nukliyeerka.

Mareykanka ayaa si taas ay uga dhabeeyaan waxay Kuuriyada Waqooyi saareen cunoqabateyn taas oo caqabad ku noqotay in Kuuriyada Waqooyi in ay aqbasho xal laga gaaro hubka Nukliyeerka inta aan laga qaadin cunoqabteynta.