Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis cusub oo ganacsi  

856
Mareykanka iyo Canada ayaa heshiis ganacsi oo cusub gaaray si ay u beddelaya heshiiska Nfta: Sawirka: AFP

Mareykanka iyo Kanada oo ay weheliso Mexico ayaa gaaray heshiis cusub oo ganacsi, si loogu badalo Heshiiska Ganacsiga ee Waqooyiga Ameerika ee loo yaqaan (Nafta).

Heshiiska Maraykanka iyo Mexico-Canada-ka (USMCA) ayaa la sheegay in uu ku lug leeyahay isticmaalka  ee Maraykanka ee suuqa caanaha ee Kanada iyo dhoofka baabuurka ee Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee, war-murtiyeedka wadajirka ah ee Maraykanka-Canada ma bixin wax faahfaahin ah oo heshiiska ku saabsan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muddo dheer raadinayay inuu beddelo heshiiska Nafta, oo maamusha wax ka badan $ 1tirilyan oo doollarka  oo ganacsiga ah.

Ilaa iyo dhowaan waxay u muuqatay in Kanada laga saari doono heshiis kama dambeys ah. “Maanta, Kanada iyo Mareykanka waxay heshiis la galeen Mexico, heshiis cusub oo la casriyeeyay’’ Wakiilka Maraykanka ee Diblomaasiyadda Robert Lighthizer iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada Chrystia Freeland ayaa sidaasi ku yiri hadal wadajir ah oo ay siidaayeen.

Heshiiska “wuxuu siin doonaa shaqaalahayaga, beeraleyda iyo ganacsiyada heshiis heer sare ah oo ganacsi oo keenaya suuqyo xor ah, ganacsi caddaalad ah iyo koboc dhaqaale oo xooggan oo ka jira gobolka”. Ayaa hadalka lagu yiri. Waxay u egtahay in Maraykanku uu dagaallo ganacsi la galay dhawr dal oo sannadkan ah, oo ay ka mid tahay in lagu soo rogo canshuuraha alaabada biraha iyo aluminiinta laga keeno Mexico iyo Kanada.

Inkasta oo faahfaahinta saxda ah ee heshiiska aan la sii deyn, heshiiska cusub ayaa la filayaa inuu ku jiro qodobbo muhiim ah oo ku saabsan warshadaha caanaha iyo dhoofinta baabuurta ee dalka loo iib geeyo Mareykanka.