
Mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Trump ayaa la kulmay xubno ka tirsan xisbiga dimuqraadiga si looga gaaro darbiga la doonayo in la dhiso oo keenay ismaandhaaf horseeday in hakad la galiyo hawlaha dowladda Federaalka Mareykanka muddo labo todobaad ah.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence oo horkacayay wada hadalada ayaa qoraal u bartiisa Twitterka soo dhigay ku sheegay in kulanka uu ahaa mid wax tar leh labada dhinacna ay isku raaceen in ay kulmaan Axadda.
Wada xaajoodka labada dhinac ayaa waxaa caqabad ku noqday dalabka madaxweyne Trump uu ku doonayo lacag gaareeysa 5.6 bilyan si loogu maalgaliyo darbiga laga dhisayo xuduudda Mexico.
Jimcihii ayuu madaxweyne Trump ku goodiyay in uu hawlahaha dowladda hakad ku sii heyn doono bilo iyo sanado. Hadalkaan ayaa muujinaya heerka uu taaganyahay khilaafka u dhaxeeya xisbiyadda Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah haddii aan la ansixin Miisaaniyadda dowladda oo ay ku jirto lacagta uu doonayo in lagu dhiso darbiga xuduuda Mexico.
Nancy Pelosi oo dhawaan loo doortay in ay hoggaamiso Aqalka wakiiladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dib loo furo hawlaha hakadka ku jira, balse aysan taa ku jirin lacagta lagu maalgalinayo darbiga laga dhisayo xuduuudda dalka Mexico oo si weyn ay labada dhinac iskugu diidanyhiin.
























