Mareykanka ayaa sheegay in go’aanka Ruushka ee gantaalada dificaa hawada ee u dirayo Syria ay tahay “qalad wayn”.
Ruushku ayaa isniintii sheegay in ay xoojin doonto difaaca hawada Syria kaddib markii toddobaadkii hore la soo riday diyaarad uu Ruushku leeyahay taasi oo keentay in Ruushku gantaalo casri oo nuucuu yahay S-300 uu diro Syria.
Lataliyaha ammaniga qaranka Mareykanka John Bolton ayaa sheegay in haddii uu run yahay wararka sheegaya in Ruushku uu geynayo Syria gantaalaha dificaa cirka ee loo yaqaano S-300s ay xaalada uga sii dari doonto
“Waxaa noo jooga agaaga ciidamo ciidamo, walaac ayaana ka qabnaa arrintaasi,” ayuu yiri Bolton.
Israel ayaa sidoo kale uga digtay Ruushka in uusan gantaalahan geyn Syria.
Wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in go’aanka gantaalaha difaaca cirka lagu siinayo ciidamada Syria uu gaaray madaxweyne Vladimir Putin.
Ruushka ayaa horrey ugu eedeeyay Israel in ku soo riday diyaarad Ruushku leeyahay Syria toddobaadkii hore, taasi oo Ruushku uu sheegay in ay dhaawici karto xiriir u dhexeeya labada dal.