Mareykanka: Doorashooyinka Soomaaliya waa in si degdeg ah loo qabto

749
Antony Blinken Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka: AFP

Dowladda Mareykanka ayaa war ka soo saartay arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo uu ismari waaga ka taagan yahay qabsoomidooda.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken lagu sheegay in ay Doorashooyin Soomaaliya lagu qabto sida ugu dhaqsaha badan.

Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maanta oo Jimce ah Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay”. Ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka ayaa sheegay in Caqabada hadda jirta ay wiiqeyso horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxay dib u dhigeysaa dib u habeynta si deg deg ah loogu baahan yahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada loo marayo deyn cafinta dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada, ayaa lagu xusay qoraalka.

“Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaaharaadaan si nabad ah oo ay si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta, ayaa lagu xusay sidoo kale qoraalka.

Madaxda Soomaaliya ayaa laga codsaday inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaareen heshiis si dhakhso leh si loo qabto Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.