Mareykanka: Dhimashada tirada Fayraska Korona oo gaartay 2,000

628

Dunida waxaa kordhay oo marba marka ka dambaysa sii kordhaya dadka u dhimanaya ama uu soo ridanayo xanuunka dilaagaa ah ee Korona Fayras.

Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka mid meelaha uu aadka u sameeyay cudurkuna uu aadka ugu faafayo.

Madaxweyne Trump oo horey loogu dhaliilay in uu ka cagajiidayo in karaantiil lagaliyo goobo ka mid ah magaalada New York si loo yareeyo faafitaanka Korona ayaa xalay taageeray in magaalada Bandow ama isku socokeeda la xadido.

Gobolada New Jersey iyo Connecticut ayaa inaya sidoo kale la filayaa in Karaantiil la geliyo. Trump ayaa dhaliil kala kulmay hadal uu horey u sheegay oo ahaa in la mamnuuco duulimaadyada ka baxaya soona galiya New York, New Jersey iyo Connecticut oo uu aad u sameeyay Fayraska Korona.

Mareykanka ayaa hadda ah tirada ugu badan ee cudurrada Korona Fayras ee ka horreeya dalkasta, iyadoo tiradu marayso in ka badan 122,000 kun oo kiis oo la xaqiijiyey Sabtidii.

Tirada dhimashada ee Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 2,000, kun tiradaas oo laba jibaar ka badan tii laba maalmood ka hor.

Dalka Spain, tirada dhimashada ee ka dhalatay COVID-19, cudurka uu sababay fayraska cusub, wuxuu kor u kacay 5,690, dalka Talyaaniga oo aad ugu dhuftayna, tirada dhimashada ayaa dhaaftay 10,000 kun.

Tirada guud dadka dunida ugu dhintay cudurka Corona Fayras ayaa hadda maraysa in ka badan 600 oo kun dhimashada iyadoo uu dalal horleh uu ku sii fidayo saacad kasta iyo maalin kastaba.