Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay Walaac ka muujisay dhaqaalaha ay siiso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in uu gaaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Beesha Caalamka uu taageero ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika, (AMISOM).
War kasoo baxay Laanta dabagalka gargaarka Mareykanka ee dibadaha ayaa lagu sheegay in uu jiro shaki laga qabo in lacagta la siiyo dowladda Soomaaliya ay gaarto gacmo kale.
Laanta waxa ay sheegtay in walaaca uu yimid ka dib markii aysan kusoo laaban warbixinada gargaarka Mareykanka ee Soomaaliya sida loo bixiyay.