Dowladda Maraykanka ayaa goor dhow maanta oo Isniin ah waxaa ay shaaca ka qaaday in dalkeeda ay ka musaafurinayso diblumaasiyiin u dhashay dalka Ruushka kuwaasi oo Tiro ahaan gaaraya 60 Diblumaasi.
Arintan ayaa ah mid dowladda Maraykanka ay kaga jawaabayso isku daygii dilka ahaa ee Ruushka uu isugu dayay inuu Ku sumeeyo Jaajuus horay ugu soo shaqeeyay sirdoonka dowladaha Ruushka iyo Ingiriiska.
War qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Maraykanka uu dalka ka musaafurinayo 60 Diblumaasi oo Ruushka u dhashay.
Maraykanka ayaa sidoo Kale sheegay in uu albaabada isugu dhufanayo Qunsuliyadda Ruushka uu Ku leeyahay magaalada Seattle ee dalkaasi Maraykanka.
Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan uu Ku taageerayo dowladda Britain oo saaxiibo dhow yihiin Maraykanka tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka.
Xukuumadda London, ayaa si toos ah ugu eedaysay xukuumadda Moscow inay ka dambaysay sumayntii Sergei Skripal oo ahaa Jaajuus Ruushka iyo Britain horay ugu soo shaqeeyay.
Sergei Skripal iyo Gabadhiisa ayaa lagu sumeeyay dalka Britain, tallaabadaasi oo keentay dagaal diblumaasiyadeed oo dhex maraya dowladda Ruushka iyo quwadaha reer Galbeedka.
Ruushka ayaa eedayntaasi Ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin waxaana uu UK ka dalbaday inay cadaymo kiiska Sergei Skripal Ku saabsan ay soo cadayso.
Midowga Yurub oo Ku shirsan caasimadda dalka Belgium-ka ayaa sheegay in sumaynta ka dhacday UK, ay u badan tahay in Ruushka uu ka dambeeyo.
Maraykanka oo ah hogaamiyaha ugu sareeya dhanka dhaqaalaha iyo Militariga ayaa markan Britain taageeray oo sheegay in Ruushka uu arintaasi ka dambeeyay.
Britain, ayaa horay ugu dhawaaqday in 23 diblumaasi oo Ruush ah dalkeeda ay ka saarayso tallaabadaasi oo Ruushka dhankiisa musaafuris kale UK kaga aargutay.
Go’aanka Maraykanka uu Ku gaaray musaafurista 60-ka diblumaasi ee Ruushka ah iyo xiritaanka qunsuliyadda Ruushka ee magaalada Seattle ayaa loo arkaa mid sii cakiri doonta dagaalka dhanka diblumaasiyadda ah ee u dhaxeeya Ruushka iyo reer Galbeedka.