Maraykanka oo ka baxay heshiiskii Niyukleerka Iiraan

760

Madaxweynaha dalka  Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa  uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee  wadamada   quwadda leh ee caalamka ay la galeen wadanka Iran sanadkii 2015-kii.

Trump, waxaa  oo jeediyay khudbad dheer oo Arrimahaasi uu kaga hadlayay ayaa sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh oo waliba ah kuwii ugu adkaa oo la saaro dhinaca dhaqaalaha dalka Iiraan kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto.

Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin.

Iiraan waxaa ay ka tiri ka bixitaanka heshiiska Niyukleerka Iiraan

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska.

Madaxwaynaha dalka Iiraan iyo xubnihiisa golaha wasiirada ayaa markii horeba filayay in Trump heshiiska nuclear uu ka baxayo.

Iiraan, waxaa ay sheegtay in dhinacyada kale ee heshiiska qaybta ka ahaa Arrimahan ay kala xaajoon doonto.

Haddii heshiiskan uu sii guul-daraysto Iiraan waxaa ay sheegtay in ay gaari doonto uranium-ta hubka Nuclear-ka laga sameeyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Javad Zarif ayaa go’aanka Trump Ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Waxaa sheegay in uu hor kici doono dadaallo diblumaasiyadeed oo Ku Aadan mabaa’diida guud ee heshiiska.

Falcilinta qaar ka mid ah hogaamiyaasha Adduunka.

Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in si wada jir ah ay uga shaqayn doonaan hubinta dhaqdhaqaaqyada Iiraan ee Ku Aadan dhinaca Nuclear ka, Gantaalada iyo Arrimaha Ammaanka gobalka Bariga Dhexe gaar ahaan Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka Barrack Obama ayaa ka hadlay ka bixitaanka heshiiska nuclear dalka Iiraan ee Trump uu Ku dhawaaqay.

Obama, waxaa uu sheegay in ka bixitaanka Maraykanka uu halis wayn Ku yahay heshiiska.

Waxaa uu tilmaamay in go’aanka Trump uu keeni karo dagaal lagu hoobto oo Bariga Dhexe ka dhaca , isagoo sidoo kalena sheegay in ay keeni karto in gobalka uu Ku baaho hubka Nuclear-ka.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka UK, ayaa sheegay in war si wada jir ah go’aanka Trump ay uga soo saareen Ra’iisul wasaaraha Britain iyo Madaxwaynaha dalka Faransiiska, ayagoo go’aanka Madaxwaynaha Maraykanka Ku tilmaamay mid ama wax laga Shaleeyo.

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Xukuumadda Israel ayaa ah dowladaha soo dhoweeyay go’aanka Madaxwaynaha dalka Maraykanka uu dalkiisa kaga saaray heshiiska nuclear dalka Iiraan.