Dowladda Maraykanka ayaa waxaa la sheegay in ay joogin doonto hubaynta kooxaha hubaysan ee kurdiyiinka dalka Suuriya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda Turkiga ay Ku guulaystay in Maraykanka uu hubaynta ka joojiyo maleeshiyaadka Kurdish-ka ee ka dagaalama dalka Suuriya.
Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa qadka telfoonka kula hadlay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump ayagoo ka wada hadlay xiriira Turkiga iyo Maraykanka iyo sidoo Kale sidii Maraykanka uu hubka uga dhaafi lahaa kurdiyiinta Suuriya.
Dowladda Turkiga ayaa maleeshiyaadka Kurdish ka ah waxaa ay u aragtaa kuwo lid Ku ah Ammanka Qaranka Turkiga.