Maraykanka oo dhimay gargaarkii Falastiiniyiinta uu siin jiray

802

Maamulka Maraykanka ee uu hoggaamiye Donald Trump kaa oo xulafo dhaw la ah Israaiil ayaa lacag gaareeysa 200 oo Malyan oo Dollar  ka jaray gargaarkii dhaqaale ee  uu siin jiray maamulka Falastiiniyinta. Tillaabadaan ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan dalka Maraykanka uu yareeyay dhaqaalihii uu ku bixin jray hey’adda qaxootiga Falastiiniyiinta ee loo yaqaan UNRWA.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu amray in dhaqaalaha la siiyo maamulka Falsatiiniyinta loo weeciyo meelo kale oo  ka muhiimsan.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in madaxweynaha uu xisaabta ku darsaday jiritaanka meelo kale oo ka muhiimsan oo ay ka jiraan dhibaatooyin bini aadamino sida Gaza oo kale, laakiin marnaba ma sheegin in dhaqaalahaas goobo gaar ah loo weecin doono.

Maamulka Falastiyinta ayaa aad uga hroyimid go’aanka iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay handadaad siyaasadeed oo la doonayo in lagu casbi galiyo si ay uga tanaasulaan xaqa dadkooda, taasi se aysan marnaba ku keeni doonin cabsi dhaxalsiisa in ay liqaan wax aan u cuntamin.

“Xuquuqda dadka Falasatiiniyiinta marnaba ma ahan mid  iib ah” sidaas waxaa yiri  xubin ka tirsan xogaheynta ururka xoreynta  Falastiniyinta.

Go’aanka  Maraykanka ee dhaqaalaha looga jarayo Falastiiniyiinta ayaa imaanaya iyada oo xaalado bini-aadaminimo ay ka jiraty marinka Gaza .Maraykanka ayaa horay u ballanqaaday in maamulka Falastiiniyiinta uu siin doono lacag gaareysa 251 Malyan oo lagu talo galay waxbarashada , caafimaadka iyo dawlad wanaagga, sida lagu qorsheeyay miisaaniyadda Maraykanka ee ku eg bisha September.

Dhanka kale Maraykanka ayaa lacag gaareeysa  3.1 Bilayn oo kaalmo Militari ah siiya Israaiil, iyada oo lagu wado in dhaqaalaha la siiyo Israaiil uu sii kordho lana gaarsiiyo 3.8 Bilyan sida uu dhigayo heshiis gaaraya toban sano oo uu saxiixay madaxweynihii hore Brack Obama.