Milatariga Maraykanka ayaa taageero dhaqaale oo gaaraya 300 oo milyan ka jartay Pakistan, sababo la xiriira wax ka qabasho la`aanta kooxaha hubeysan ee dalkeeda gabbaadka ka dhigta.
Madaxweyne Trump ayaa horay ugu eedeeyay Pakistaan in ay khiyaanto Maraykanka oo ay iska qaadato lacago badan iyada oo aan waxba ka qaban kooxaha hubeysan ee dalkeeda weerarka ka soo qaada.
Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sheegay in lacagta loo isticmaali doono meelo kale oo uga baahi badan.
Tillaabadaan dhaqaalaha looga jaray Pakistaan ayaa u baahan ansaxinta golaha sharci dajinta Maraykanka inta aan si rasmi ah loo dhaqangalin. Tillaabadaan Maraykanku ku dhaqaaqay aya horay loo sii sheegay bishii Jannaayo ee sannadkaan.
Dawladda Maraykanka ayaa dhawr mar aad u dhaliishay dalka ay xulafada yihin ee Pakistaan , iyada oo ku eedeeysay in ay ku fashilmeen wax ka qabashada kooxaha argagixisada sida kooxda Xaqaani iyo Daalibaan.
“Waxaan ku cadaadin doonaa Pakistaan in ay si aan kala sooc laheyn ula macaamisho kooxaha argagixisada”.Afhayeenka wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa sidaas war saxaafadeed ku sheegay.
Go`aanka dhaqaalaha looga jaray pakistaan ayaa kusoo aadaya iyada oo la filayo inuu dalka pakistaan booqdo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka si uu ula kulmo ra`iisul wasaaraha cusub ee Pakistaan.
Maraykanka iyo waddamo kale ayaa Pakistaan ku eedeeyay in ay taageerto kooxaha kula dagaalama Afgaanistaan sida Xaqaani iyo Daalibaan, laakiin Pakistan eedaas waa ay diiday.
Lama oga sida ay u saameeyn doonto tillaabadaan xiriirka Maraykanka iyo Pakistaan oo sannadahaan danbeba mugdi sii galayay.